Safarkaygii Islaamka: Tayyibah Taylor waxay nabadgalyo ka heshay Islaamka [Video]

8

Waa markale iyo khisooyinkii xiisaha badnaa ee ku saabsan Muslimiinta cusub ee diinta Islaamka qaatay. gabadha lagu magacaabo Tayyibah Taylor waxay ka mid ahayd dadkii ugu horeeyay ee diinta Islaamka ku qaatay dalka Canada. Waxay nooga waramaysaa wadadii dheereyd ee ay soo martay.

Waxaan ku dashay wadanka Trinidad ee ku yaala Kareebiyaanka, laakiin waxaan ku soo barbaaray magaalada Toronto ka dib markii waalidkey u soo guureen halkaas. Waxaan ahayn reer Kiristaan ah oo diinta si fiican ugu dhagan, isbuucii 3 goor ayaan kaniisada xaadiri jirnay. Yaraanteydii waxaan ahaa qof baaritaan badan taasoo keentay in aan fahmiwaayo qeybo ka mid ah diinteyda sida waxa loo yaqaan “Trinity” ama sadexda.

Markii aan dhiganayay fasalka 10-aad ayaan qaadanay casharo ku saabsan diimaha caalamka,  waxaan waxyar ka baranay Islaamka oo waxaan booqasho ku tagnay Masaajidka. Markii aan masjidka booqanay runtii waxaan aad ula dhacay dhawaqa Aadaanka iyo salaada Muslimiinta. Markii ardadii kale laabteen ayaan go’aansaday in aan dib ugu haro oo la sheegeysto haweeney ka mid ah kuwa Masjidka joogay. Markii ay ii sharaxday Islaamka iyo sida loo galo ayaan isla markiiba go’aansaday in aan shahaadada iraahdo balse xaqiiqadii halkaas Muslim dhab ah kuma noqon.

Bilihii ku xigay aabahay ayaa masaajidka i geyn jiray aniga oo u sheegay in aan arimo iskuulka la xiriira aan u tago, dhowr sano ayaa socotay oo waxaa dhacday in xitaa qaar ka mid ah qaraabadeyda ay Muslimiin noqdaan balse anigu waxaan galay jahwareer. Xitaa waxaan gaaray xili aan go’aansaday in uusan jirin ILAAH.

Laakiin wax badan iguma qaadan in aan xaqiiqsado jiritaanka Allah, waxaan xaqiiqsaday midaas markii aan baaritaano sayniska iyo biology aan sameeyay. Waxaan kale oo isweydiiyay maadaama aad xaqiisaday in uu ilaahay jiro, waa maxay xiriirka aan la leeyahay? Dalka Kanada xiligaas waxaa ka socotay dood kulul oo ku saabsan diimaha.

Waxaan dib u bilaabay in aan raadiyo amaan iyo nabadgalyo, waxaan go’aansaday in aan raadiyo diinta xaqa ah. Waxaa dib iigu soo dhacay Islaamka. Arinta ugu muhiimsan ee aan raadinaayay waxay ahayd nabagalyo iyo isku filaasho. Intaas waxaan ka helay Islaamka.

Xitaa waxaan go’aansaday in aan isaga tago Jaamacada Toronto oo aan ku laabto dalkii hooyo ee Trinidad. Waxaan dhowr bilood ku socday xeebaha qurboon ee wadanka aniga oo wali ku jira baadigoobka nabadgalyada. Markii aan ku soo laabtay Toronto waxaan soo laabtay aniga oo qof kale ah, waxaan noloshayda ku sameeyay isbedel badan. Waqtigaan waxaan go’aansaday in aan noqdo Muslim dhab ah.

Markii hore waalidkey ima aaminin ee waxay iska dhaadhiciyeen “waa wax kale oo ay dooneyso in ay isku daydo” balse markii ay arkeen in ay dhab iga tahay, way soo dhaweeyeen maadaama aan u leexday dhinaca diimaha. Inkastoo ay jeclaan lahaayeen in aan u leexdo dhinaca Kiristaanka.

Markii aan Muslimka noqday waxaa Canada ku noolaa dhowr qof oo keliya oo Muslimiin ah, dadkaas waxaa ka mid ahaa ina adeertey oo guursatay Sheikh Bilal Philips iyo sidoo kale Abdullah Hakim Quick oo ku nool Toronto. Waqti kasta waan kulmi jirnay oo doodo ayaan sameyn jirnay, waxaan noqonay asxaab balse markii dambe qaar badan waxay go’aansadeen in si diinta ay dhab ugu bartaan in ay Carabiga bartaan, ka dibna waxay u guureen Sacuudiga. Aniga keliya ayaa kanada ku soo haray.

Waxaan guursaday nin Maraykan ah oo Muslim ah, waxaan u guurnay maraykanka. Waxaa dhacday in waqti ka dib uu ninkayga shaqo ka helo Sacuudiga oo aan halkaas u guurno. ka dibna waxaan dib ula midoobay asxaabtaydii Toronto. Xiligii aan sacuudiga joogay waxaan si fiican u bartay Quraanka iyo Islaamka.

Runtii Islaamka waxaan ku jeclaaday waa in qofku uu Muslim ahaan garo caalamka meel kasta oo uu ka joogo. Waxaan kale oo jeclaystay sharafka iyo nabadgalyada dumarku ay ka helaan Islaamka. Runtii islaamku waxa uu la midyahay aragtida laga aaminsanyahay Waqooyiga Ameerika ee ah Xoriyad iyo cadaalad, iyo dadaalka nolosha.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here