Safarkaygii Islaamka: Kate waa gabadh Swedish ah [Video]

12

Waa markale iyo khisooyinkii xiisaha badnaa ee ku saabsan Muslimiinta cusub ee diinta Islaamka qaatay. Gabadha lagu magacaabo Kate waxay ku nooshahay magaalada Varberg ee galbeedka Sweden. Ka dib markii ay Muslimtay ayay telefishinka Sweden (SVT) ugu warantahay sababtii ka dambeysay in ay Muslim noqoto. 

Kate waxay ku soo dhex barbaartay reer Kiristaan ah, waxayna fikrado badan oo qaldan ka haysatay Islaamka intii aysan dhex galin oo baran diinta. Waxay sheegtay in ay raadineysay XORIYAD taasoo keentay in ay si fiican u barato kiristaanka iyo xitaa in ay tijaabisay Budhismka

Kate waxay ka warantahay in ay gabadh Muslim ah oo ka soo jeeda Afghanista is barteen oo markii ay diinta ka wada hadleen ayba u sheegtay gabadhii in Kate ay hadaba la midtahay Muslimiinta. Arintaas ayaa ku dhalisay Kate in ay la saaxiibto gabadha Muslimada ah taasoo kama dambeystii keentay in ay go’aansato in ay Muslimto. Waxay sheegtay in ay shahaadada ku sameysay guriga saaxiibteed.

Kate waxay isku dayday bilowgii markii ay Muslimtay in ay xirato xijaabka balse waxay sheegtay in ay la kulantay naceyb iyo waji xumo badan. Waxay isbarbar dhigtay markii aysan xijaabka xiran jirin iyo markii ay bilowday sida aragtida dadku isku badashay.

Mar la waydiiyay qorshaheeda mustaqbalka ayay sheegtay in ay dooneyso in ay Islaamka si fiican u barato, balse waxay sheegtay in hada ay dareemeyso wehel la’aan maadaama ay adagtahay in la helo Muslimiinta kale ee diinta soo galay. qaasatan magaalada Varberg oo aan sidaa u weyneyn.

Waqtiga laga qaaday wareysiga ayaa ahayd Ramadaankii 2008. Kate waxay sheegtay in ay hada soontay 3 isbuuc oo si fiican dareemeyso marka laga reebo cidlo.  Ka dib markii ay Muslimtay ayay la baxday magaca Khadija.

DAAWO MUUQAALKA.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here