Raysal wasaaraha Sweden iyo marwadiisa oo kala tagay

17

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt iyo marwadiisa ayaa ku dhawaaqay in ay go’aansadeen in ay kala tagaan waqti aan la cayimin.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha oo loo diray warbaahinta Sweden ayaa lagu sheegay in Raysal wasaaraha iyo xaaskiisa Filippa Reinfeldt oo madax ka ah goloha deegaanka ee magaalada Stockholm ay go’aansadeen in ay kala tagaan.

Warsaxaafadeedka ayaan lagu sheegin sababta ka dambeysa kala taga reerka hogaamiya Sweden iyo in ay si rasmi ah isku furi doonaan.

Labada lamaane ayaa ah dad siyaasada si weyn magac ugu leh iyadoo raysal wasaaraha ka sagoow ay xaaskiisa ilaa 2006 hogaanka u haysay golaha deegaanka Stockholm. Lama filaayo in arintaan ay wax saameyn ah ku yeelato sumcadooda siyaasada.

Lamaanaha ayaa isguursaday sanadkii 1992. Furiinka ayaa ah dhibaatooyinka ugu weyn ee ka dhex jira bulshada Sweden iyadoo la sheegay in kala bar inta isguursata ay isfuraan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here