Magangalyo doon isku dayay in uu dab qabadsiiyo kaamka magangalyo doonka

11

Mid ka mid ah magangalyo doonka ku xareysan kaam ku yaala magaalada Surahammar ee gobolka Västmanland ayaa boolisku raadinayaan ka dib markii uu isku dayay in uu gubbo kaamka.

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay 25 sano jir ayaa la sheegay in uu isku dayay labo goor in uu dab qabadsiiyo guriga ay ku jiraan magangalyo doonka iyadoo shaqaalaha kaamku ay labadii goorka damiyeen dabkii uu shiday ninkaas.

Ka dib markii lagu qabtay markii labaad isaga oo dab ka shiday hareeraha guriga ayuu ninkii baaskiil ku baxsaday iyadoo boolisku ay hada ku raadjoogaan sida uu qoray wargeyska VLT. Sababta ka dambeysa in uu ninkaan isku dayo gubitaanka kaamka ayaan la ogeyn.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here