Idaacada Sweden oo ka warantay xaalada amaanka Muqdisho

22

Idaacada Sverige (SR) ayaa wariye u dirtay magaalada Muqdisho si uu uga soo waramo xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka bexeen Al-shabaab.

Wariyaha idaacada Sweden ayaa soo sheegay in xaalada Amaanka ee magaalada Muqdisho uu ku yimid isbedal weyn oo ay xaaladu soo hagaagtay, ganacsigu dib u bilowday, noloshuna ay caadi ku soo noqoneyso.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadka qurbaha ku nool ay hada dib ugu noqonayaan Muqdisho. Wariyaha ayaa wareystay nin magaciisa ku koobay Xasan oo ka tagay magaalada Göteborg si uu dib ugu noqdo Muqdisho. Xasan ayaa sheegay in mudo 23 sano ah uusan cag dhigin Muqdisho balse uu hada ku laabtay.

Wariyaha ayaa sidoo kale wareystay mid ka mid ah dhalinyarada Muqdisho oo doonaya in uu u soo tahriibo Yurub. Wiilka ayaa sheegay in uu doonayo in uu Libya doon ka raaco oo uu sidaas Yurub ku galo.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada amaanka ee soo hagaagtay ee magaalada Muqdisho ayaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato go’aamada Laanta Socdaalka ee ku aadan dadka cusub ee is dhiibay kuwaasoo isku dhiibay in ay ka soo carareen dhibaato ka jirta magaalada Muqdisho.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here