Dadka cusub oo ka cabanaya walwal & wehel la’aan

17

Magangalyo doonka ku cusub Sweden ee ay la wareegtay Hay’ada Shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa ka cabanaya in ay dareemayaan walwal (stress) iyo wehel la’aan.

Cabashooyinka dadka cusub ee Sweden yimid labadii sano ee la soo dhaafay ayaa cirka isku shareeray markii Hay’ada Shaqada ay kala wareegtay masuuliyadii magaalooyinka. Qaar ka mid ah gacanyaraasha ka shaqeeya Arbetsförmedlingen ayaa ii sheegay in ay dareemayaan in dadka cusub ay dhibaato weyn ka haysato xaga istereeska iyo wehel la’aanta.

Arbetsförmedlingen ayaa u baahan qofku in uu 8 saac oo xiriir ah hawl sameeyo oo kala ah iskuul ama baraatiik taasoo ay u sii dheertahay in aysan lahayn wax fasax ah mudada labada sano ah ee ay ku jiraan barnaamijka. Dadka cusub ayaa sidoo kale wali reerahoodii loo keenin taasoo abuurtay in qaarkood ay ku dhawaadaan waali.

Cabashooyinka kale ee ay qabaan dadka cusub ayaa waxaa ka mid ah in aysan aqoon cidii ay la xiriiri lahaayeen iyadoo ay faraha ka bateen Hay’ada iyo shirkadaha ka shaqeeya arimaha soo galootiga. Qofkii waxa uu ku jahwareersanyahay waxa loo yaqaan Lots oo ah shirkada hogaanka iyo Arbetsförmedlingen, kamuunkii, iskuulkii iyo kuwa kale.

Isbedalkii weynaa ee lagu sameeyay barnaamijka isdhexgalka ayaa dhaliilo badan loo soo jeediyay iyadoo dowladu ay ku amaantay barnaamijkaas in uu noqonayo mid dadku ay shaqo ku helaan, balse ilaa hada tirada soo baxday ayaa muuqata in aysan taasi dhicin.

Haddii aad ka midtahay dadka cusub ee ku jira Arbetsförmedlingen bal nooga waran xaaladaada iyo sida aad u aragto barnaamijkaas?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here