Dadka caruurta ka maqanyihiin oo laga yaabo in ay fasax helaan

26

Dadka ku cusub Sweden ee u dacwoonaya caruurtooda ayaa la filayaa in la siiyo fasax ay ku booqdaan reerahooda iyaga oo aan lacagta laga jarin.

Kulan dhex maray Laanta Socdaalka (Migrationsverket) iyo Xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen) ayaa looga wada hadlay suurta galnimada in fasax la siiyo dadka cusub oo aan sida caadiga ah xaq u lahayn wax fasax ah mudada labada sano ah ee ay ku jiraan Xafiiska shaqada.

Wada hadalka ayaa laysku afgartay in dadkaas la siiyo fasax ay ku booqdaan reerkooda ama ay ku soo dhameystiraan dacwada haddii loo baahdo. Balse wali lama go’aamin qaabka fasaxa loo bixinayo iyo waqtiga la bixinayo. Waxaa la filayaa in ay arintaas Arbetsförmedlingen ogeysiin doonto dadka cusub markii la dhameystiro qorshaha.

Dhinaca kale Laanta Socdaalka ayaa xafiiska shaqada ku wargalisay in la fududeeyay mideyntii reeraha oo ay u diyaar garoobaan in dadka cusub ay soo siyaadi doonaan. Xafiiska shaqada ayaa iyaguna ogeysiinaya arintaan cidii kale ee ay quseyso sida shirkadaha la shaqeeya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here