Boqorka Sweden oo dalbaday in loo kordhiyo reerka biilkiisa

4

Boqorka Sweden Carl XVI Gustaf ayaa dowlada ka dalbaday in loo kordhiyo biilka reerkiisa oo loogu daro lacag gaareysa ilaa 2 milyan oo dollar.

Qoyska reer boqor ayaa hada biisha 6 milyan oo dollar sadexdii sanaba balse boqorka ayaa sheegay in aysan lacagtaas ku filneyn reerkiisa maadaama hada ay siyaadeen oo sanadkii hore la guursaday gabadhiisa Victoria isla markaana hada ay gabadh dhashay.

Lacagta ayaa loo isticmaalayaa biilka reer boqor iyo daryeelka guryaha ay deganyihiin. Boqorka Sweden ayaan lahayn wax awood siyaasadeed ah taasoo dhalisay in dhowr jeer dadku ay isweydiiyaan sababta loogu baahanyahay in Sweden ay boqor yeelato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here