Bikrada la iibsato iyo waxtarkeeda

16

Dhaqaatiir u dashay dalkaasi Holland ayaa baaritaan ku sameeyay bikrada lagu sameeyo qaliinka oo sanadihii la soo dhaafay dumar badan oo ka soo jeeda Aasiya iyo bariga dhexe ay aad u dalbadeen.

Wadamada Aasiya sida India iyo Pakistan iyo xitaa wadamada carabta ayaa waxaa dhaqan ka ah in gabadha la guursado iyada oo bikro ah oo habeenka ugu horeeya ee loo tago uu dhiig ka yimaado. Haddii ay dhacdo in uusan dhiigu ka imaan ayaa gabadha loo qaadanayaa in aysan bikro ahayn taasoo gabadha iyo reerkeeda u keeni karto cawaaqib xumo aysan ka soo kabsan.

Si ay uga fogaataan sharaf dilkaas ayaa gabdho badan oo ku nool Yurub waxay sameeyaan in ay maraan qaliin dib loogu sameynayo bikrada. Dhaqaatiir ka tirsan hospital ku yaala Holland ayaa waxay baaritaan ku sameeyeen 90 haween ah oo doonayay in qaliin lagu sameeyo bikrada dib loogu soo celinayo. Qaliinka ayaa ah in xuubka bikrada dib loo abuuro si marka gabadha loo tago uu xuubkaas u dilaaco oo sidaa dhiig ku yimaado.

Dhaqaatiirta ayaa kala bar haweenka waxay ka dhaadhiciyeen in ay iska dhaafaan qaliinka oo ay ku kolsoonaadaan nafsadooda maadaama cilmi baaris lagu ogaaday in kala bar haweenka bikrada ah uusanba dhiig ka imaan marka loo tago.

Gabar ka mid ah kuwii go’aansaday in ay maraan qaliinka oo ka halaysa sababta ka dambeysa in ay doorato qaliinka  ayaa uga warantahay Radio Netherlands.

“Dhaqankeena uma sheeki garo waalidkey in aanan bikro ahayn aniga oo aan la i guursan. Hooyaday ma noolaaneyso haddii aan taas u sheego. Waxaan sharaf dil u soo hoynayaa reerkeyga. Waxaan maray qaliin xuubka bikrada dib laygu sameynayo. Hada waan faraxsanahay nin wanaagsana waan helay balse sirta qaliinku waa mid aan waligay qarin doono”.

Xitaa waxaa kale oo soo baxay websiteyo internetka oo lagu iibiyo daawo keeneysa in gabadha dhiig ka yimaado marka loo tago oo ay isticmaaleyso daqiiqado ka hor inta aysan galmadu dhicin.

WAA CAJIIB. BAL KA WARAMA BIKRO LA IIBSANAYO? FIKRADIINA KU DARSADA…

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here