Barnaamijka Hello Somaliska – 04-03-2012

13

Caawa waa markale iyo barnaamijkeenii Hello Somaliska. Barnaamijka waxaan caawa ku lafa guri doonaa mowduucyadii ugu waaweynaa ee aan qornay isbuucaan.

Waxaan doonaynaa in aan barnaamijka ka dhigno mid aad fikradihiina iyo su’aalihiina toos hawada uga soo gudbin kartaan. Mowduucyada aan maanta kaga hadli doono barnaamijka waxay noqonayaan.

1. ARIMAHA SOCDAALKA: Saadaaasha laanta Socdaalka oo filaysa in Soomaali badan ay yimaadaan Sweden 2012. Baarlamaanka oo ka dooday is waafajinta arimaha mideynta reeraha iyo sharciga Sweden. iyo gudoomiyaha degmada Katrineholm oo ka walaacsan Soomaalida la filayo in ay halkaasi yimaadaan.

2. ARIMAHA NOLOSHA: Soomaali xaflad u dhigtay gabadha u dhalatay reerka boqortooyada Sweden. Boqorka oo dalbaday in reerka biilkiisa loo kordhiyo. Iyo ragga Swedishka oo lagu tilmaamay in ay yihiin kuwa ugu qurxoon aduunka.

3. Qodobada kale ee aad fikradiina ama su’aalaha aad ku darsan kartaan waxaa ka mid ah: Sirdoonka Sweden oo sheegay in ay isha ku hayaan dad Al-shabaab lagu tuhmaayo. Somaliska.com ma lacag baa laga dhigay? iyo arimaha bulshada sida barnaamijkeena Safarkaygii Islaamka.

Iyo mowduuceenii ugu dambeeyay ee bikrada laga iibsado hospitaalada Yurub.

Sidii caadada ahayd telefoonka barnaamijka aad uga qeyb qaadan kartaan waa 0722958251 (Comviq) Saacada waa kl. 18:00 (ama 6pm).

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here