20 Maarso ma la soo bandhigi doonaa mooshinka ku saabsan mideynta reeraha?

27

Sidii ay dhowr jeer ka dhawaajiyeen xisbiga Miljöpartiet iyo dowlada waxaa la filayaa in 20 Maarso oo ku aadan maalinta bari ah la soo bandhigo mooshin ku saabsan mideynta reeraha iyo sida sharciga wax looga badalayo.

Balse maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxay warar hoose oo sheegaya in laga yaabo in arintaas dib loo dhigo taasoo ay sabab u tahay labo arimood. 1. Dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet oo aan wali ku heshiin qodobo badan oo la doonayo in mooshinka lagu xaliyo. 2. Go’aankii maxkamada sare ee Socdaalka oo fasaxay in dadka caruurta leh loo fududeeyo shuruuda aqoonsiga.

Xisbiga MP ayaa ka dhawaajiyay in ay dowlada ku riixi doonaan in ay wax ka qabtaan arimaha sida caruurta la soo korsaday, caruurta qaangaartay iyaga oo dacwadu u socoto, lamaanayaasha aan caruurta isku dhalin.

Waxaan xiriir la sameeyay xisbiga Miljöpartiet iyo xafiiska wasiirka Socdaalka si aan uga helo macluumaad dheeri ah oo ku aadan mooshinka iyo xiliga la soo bandhigi doono haddii uu baaqdo barito. Jawaabta waan soo qori doonaa. Insha Allah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here