Denmark: Iskuulkii ardada ku qasbay in ay tijaabiyaan hilibka doofaarka oo arintaas ka noqday

8

Sidii aan qornay bishii la soo dhaafay iskuul ku yaala magaalada Copenhagen ee caasimada Denmark ayaa la cambaareeyay ka dib markii uu ardada Muslimiinta ah ku qasbay in ay dhadhamiyaan hilibka doofaarka.

Hadaba waxaa muuqata in maamulka iskuulka Copenhagen Hospitality College ay ka noqdeen go’aankoodii ka dib markii si weyn loo cambaareeyay oo lagu tilmaamay in ay yihiin cunsuriyiin. Maamulka iskuulka ayaa xitaa ardada u keenay nin isku sheegay in uu yahay Imaam masjid oo sheegay in ay caadi tahay in hilibka la dhadhamiyo. Iyadoo taasi ay keentay in qaar ka mid ah ardada Muslimiinta ah ay hadalkiisa qaataan.

Si kastaba ha ahaatee ardayga lagu magacaabo Ikram Korkmaz oo ka soo jeeda Turkiga ayaa arintaas ka biyo diiday isagoo isku maray dhamaan maamulka iskuulka ka dibna dacwad u gudbiyay wasaarada waxbarashada.

Iskuulka ayaa hada sheegay in ardayga aan doonayn in uu dhadhamiyo hilibka ama qamriga uu waydiisan karo in ardada kale ay u tijaabiyaan.

Dadka qaar waxay isku haystaan ma la dhadhamin karaa mise maya? qaar waxay leeyihiin lama  taaban karo? qaarna waxay leeyihiin lama karin karo. Waxaan jawaab ka sugnaa waa culumada waxay ka leeyihiin arintaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here