Dowlada Sweden oo lagu haysto warshad hubka oo ay u dhiseen Sacuudiga

3

Dowlada Sweden ayaa si weyn loo cambaareeyay ka dib markii la fashilay in ay warshad hubka casriga ah u dhiseen Sacuudiga.

Xisbiyada kala duwan ee Sweden ayaa midba midka kale ku cambaareynayaa in ay ka dambeeyeen heshiiska Sacuudiga lagula galay in loo dhiso warshaqada sameysa gantaalaha. Xulufada talada haya ayaa ku doodaya in dowladii hore ee Social Demokraterna ay ka dambeysay heshiiska, halka xisbiga S ay ku doodayaan in dowladu ay joojin kartay heshiiska sanadkii 2010 oo la saxiixay.

Kuwa diidan in sacuudiga loo dhiso warshada casriga ah ayaa ku doodaya in wadankaas uu yahay mid diktaatoori ah oo aan ku wanaagsaneyn xuquuqda bani’aadamka. Waxaa muuqata in guud ahaan xisbiyadu ay isku raacsanyihiin in aysan wanaagsaneyn in loo dhiso warshadaas Sacuudiga balse dowlada ayaa ku doodaysa in hada heshiiskii dhacay.

Swedishka ayaa u muuqda in ay diidi waayeen lacagta faraha badan ee Sacuudiyiinta iyagoo hada ka qoomameynaya in ay Sacuudiga u dhiseen warshada. Ma ahan Sweden oo keliya balse wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale Sacuudiga ka iibiyay diyaarado iyo hub casri ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here