Somaliska.com lacag miyaa laga dhigay?

22

Horta inta aanan su’aashaas ka jawaabin waxaa haboon in aan fahano farqiga u dhexeeya Somaliska.com iyo websiteyada kale ee Soomaalida.

Somaliska waa bogg ka shaqeeya in uu macluumaad muhiim ah oo faaiido leh u soo gudbiyo Soomaalida ku nool Sweden iyo kuwa doonaya in ay Sweden yimaadaan. Ma ahan bogg wareed oo keliya balse waa goob laga helo talo iyo tusaale muhiim ah. Somaliska waa bogg xafiis leh oo telefoon iyo addrees lagala soo xiriira leh.

Somaliska kama qeyb qaato hurinta colaada Somaliya bulshadana uma kala qeybiyo qabiil iyo gobolgobol.

Hadda maadaama aan fahanay intaas, su’aasha ayaan ka jawaabayaa. Somaliska lacag miyaa laga dhigay? Jawaabtu waa Haa iyo Maya. Sida aan kor ku xusay Somaliska waa bogg xafiis leh oo qarash ku baxayo, sidaa darteed cid bilaash ku shaqeyn karta ma jirto. Aniga waqtigayga bilaash waan ku bixin karaa balse shirkada telefoonka iyo internetka bilaash kuma bixinayso, korontada bilaash ma aha, Tareenka la raacayo ama shidaalka baxaya haddii la doonayo in war la raadiyo bilaash ma ahan.

Sidaa darteed qofkii fahansan qiimaha bogga iyo sida uu uga duwanyahay websiteyada kale isla markaana ugu adeego bulsahada ku nool Sweden waxaan filayaa in uusan waxba u arkeyn in uu bixiyo 90kr oo 6 bilood ah oo u dhiganta bishii 15kr. Waxaan kale oo sameeyay in uusan bogga ka xirmin qofka aan lacagta bixin oo uu wali akhrisan karo. Marka jawaabta saxda ah waa Qofkii doonaya in uu taageero bogga waxa uu bixinayaa 90kr. Qofkii aan lacag bixina wali waa akhrisan karaa bogga. Intaas waxaa sii dheer in dadka ku nool dibada Sweden aan laga doonayn waxna.

Waxaan rajeynayaa in aad ila fahanteen. Qofkii aan fahmina waxaan leeyahay sxb baqiilnimada isak dhaaf!!!

Halkaan ka akhrisato Faahfaahinta ku saabsan barnaamijkaan. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here