Wiil Soomaali ah oo loo diiday in uu safro ka dib shaki argagixiso

12

Wiil Soomaali ah oo doonayay in uu dalxiis ku tago dalkaasi Mexico ayaa loo diiday in uu diyaarada raaco ka dib markii la sheegay in magaciisa uu argagixiso u egyahay.

Wiilkaan oo lagu magacaabo Abdi Ahmed Mohamed ayaa la socday labo asxaabtiisa ah oo Swedish ah kuwaasoo ka duulayay magaalada Oslo. Markii labada asxaabta ah ay tikitkooda dhiibteen oo aan waxba la oron ayaa Cabdi markii tookadiisa la gaaray ay shaqaalaha u sheegeen in uusan raaci karin diyaarada maadaama uu magaciisa ku jiro liiska argagixisada.

Cabdi oo arintaas ay mucjiso ku noqotay ayaa u waramay wargeyska Aftonbladet dhibaatada ku dhacday. “iima aysan ogolaan in aan diyaarada raaco. Waan jeclahay in aan safro oo wadamada kale aan soo arko. Waxay igu yiraahdeen magacaygu waxa uu la midyahay qof argagixiso looga shakiyay” ayuu u sheegay wargeyska.

Shaqaalaha ayaan warbixin fiican ka siin arinta lagu haysto iyagoo u sheegay in uu la hadlo safaarada maraykanka. Cabdi ayaa sheegay in uu aad uga xanaaqay arinta ku dhacday isla markaana uu dareemay awood la’aan. “Wax badan ayaan qorsheynayay safarkaan aniga iyo asxaabteyda” ayuu yiri.

Abdi ayaa sheegay in aysan dhibaatadaan hada ugu horeyn.

-Asxaabtyada magaca Muslimka aan lahayn horey ayay ka gudbaan halka aniga layla haro. Waxaan ku fikirayaa in aan iska badalo qaybta magaca ee Ahmed maadaama halkaas dhibaatadu ka jirto, ayuu hadalkiisa ku daray.

Safaarada marayknka oo lala xiriiray ayaa sheegtay in aysan war ka hayn arinta ninkaan maadaama uusan maraykanka u socon isla markaana uusan taransit ku ahayn.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here