Wiil 12 jir ah oo booliska ku weeraray Rinkeby

7

Wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 12 sano jir ayaa askari boolis ah weerar ku qaaday isaga oo wata middi xaafada Rinkeby ee duleedka Stockholm.

Dhacdada ayaa ka dambeysay ka dib markii labo askari ay yimaadeen xaafada si ay u kexeeyaan wiil 13 jir ah oo loo waday xabsiga caruurta. Ka dib markii boolisku ay xireen wiilka ayaa walaalkiis oo midi la ordaya waxa uu weeraray mid ka mid ah askarta taasoo abuurtay meeshii in uu dagaal balaaran oo dad kale ka qeyb qaateen uu ka dhaco.

Askariga ayaa ku guuleystay in uu wiilka midida ka dhigo balse meesha dagaal ayaa ka dhacay taasoo keentay in labadii askari mid dhulka la dhigo oo dhaawac la gaarsiiyo. Askarta ayaa hospitaalka la geeyay iyadoo markii dambe la fasaxay.

Labada wiil ayaa waxaa kexeeyay booliska iyadoo midka weyn la geeyay goobtii loo waday ee xabsiga caruurta halka kan dagaalka abuuray boolisku ay wareysi la yeelanayaan.

Lama xaqiijin dhalashada wiilasha balse ilaha qaar ayaa sheegaya in ay Soomaali yihiin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here