UK: Maxaabiista oo qaadanaya diinta Islaamka

11

Warbixin uu qoray wargeyska Daily Mail ayaa lagu soo bandhigay in dhalinyaro badan oo ku jirta maxaabiista UK ay qaadanayaan diinta Islaamka.

Xabsiga ugu weyn ee ay ku jiraan dhalinyarada ee ku yaala xaafada Feltham ayaa la sheegay in sadexmeelood hal meel dhalinyarada ku jirta ay yihiin Muslimiin halka qaar badan oo kalena ay diinta qaadanayaan.

Sababta maxaabiista ku soo jiidanaysa diinta Islaamka ayaa la sheegay in ay tahay isbedalka wayn ee Islaamku ku yeelanayo noloshooda iyo xitaa in qaar badan ay doonayaan cuntada wanaagsan ee ay cunaan maxaabiista Muslimiinta.

Qaar ka mid ah maamulka xabsiga oo la hadlay wargeyska ayaa u sheegay in ay la yaabanyihiin sida ay maxaabiistu u qaadanayaan diinta Islaamka. Dhalinyarada xaadireysa saalada ayaa la sheegay in ay aad u badantahay oo maalinta jimcahaha boos loo waayo dadka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here