Soomaali khaat Norway u waday oo la qabtay

14

Afar qof oo Soomaali ah ayaa lagu qabtay agagaarka magaalada Uddevala iyaga oo khaat u waday dalkaasi Norway. Afarta qofka ayaa midi haweeney tahay.

Afarta qof ayaa la sheegay in lagu qabtay khaat gaaraya 195 kg iyagoo labo baabuur ku kala socday. Booliska ayaa daba gal ku sameeyay dadkaan oo la sheegay in labo ay ahaayeen nin iyo xaaskiis kuwaasoo iyagu khaatka waday.

Markii maxkamada la hor keenay maalintii isniintii ayaa la sheegay in haweeneydu ay ilmaysay iyada oo sheegtay in iyada iyo ninkeeda lagu soo qiyaanay khaatka oo aysan ogeyn waxa ay wadaan in uu yahay khaat. Booliska ayaa aaminsan in arintu aysan sidaa ahayn ee labada baabuur loo soo qaatay si loo marin habaabiyo booliska.

Dadkaan ayaa guud ahaantood diiday in ay qirtaan dambiga lagu soo oogay iyadoo loo balansanyahay in maxkamada markale la horkeeno 20 bisha Februari.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here