Mooshinka la xiriira mideynta reeraha oo la dhamaystirayo 20 maarso

30

Dowlada iyo xisbiga Miljöpartiet ayaa qarka u saaran heshiis guud oo ay ka gaaraan mooshinka wax looga badalayo sharciga lagu mideynayo reeraha Soomaalida.

Mooshinka ayaa la sheegay in la dhameystirayo 20 Maarso iyadoo xisbiga Miljöpartiet ay sheegeen in ay doonayaan in la balaariyo fursadaha oo dadka aan wax isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday lagu daro barnaamijka.

“Waxaan dooneynaa in dhibaatada jirta lagu xaliyo dheecaanka DNA balse anaga waxaa noo muhiim ah in uusan xalku noqon DNA oo keliya marka laga hadlayo dadka aan caruurta lahayn iyo caruurta la soo korsaday oo aan DNA la isticmaalin xaaladaas” ayay tiri Maria Ferm.

18 bishaan ayay ahayd markii go’aan ka soo baxay Maxkamada Sare ee Socdaalka taasoo irdaha u furay in reeraha caruurta leh lagu mideeyo dheecaanka DNA. Lama sheegi karo sida laysku waafajinayo go’aankii maxkamada iyo mooshinka cusub ee baarlamaanka la hor keeni doono. Maria Ferm ayaa ka gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiso arintaas iyadoo hadalkeeda ku soo koobtay in ay baaritaan ku hayaan go’aanka maxkamada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here