Malaysia oo musaaafurisay nin Sacuudi ah oo nabiga (nnkh) si qaldan uga hadlay

6

Nin u dhashay dalka Saudi Arabia oo wadankaasi isaga cararay dhowr maalmood ka hor ka dib markii uu hadalo lidi ku ah nabiga (nnkh) ku qoray bogga Twitter ayaa dib loogu celiyay Sacuudiga.

Ninkaan oo lagu magacaabo Kashgari ayaa doonayay in uu u baxsado dalka New Zealand isagoo taransit ku ahaa Malaysia balse booliska Malaysia ayaa xabsiga dhigay ka dib markii ay booliska Sacuudigu codsadeen xiritaankiisa.

Kashgari oo wargeys Sacuudiga ka soo baxa qoraa ka ahaa ayaa qeylo dhaan ka dhaliyay Sacuudiga ka dib markii uu taariikhdii Mawliidka ku qoray hadalo isdaba joog ah bogga Twitter isagoo yiri.

“Dhalashadaada. Waxaan kugu arkaa meelkasta. Waxaan jeclaa qeybo ka mid ah waxyaabaha aad sameysay. Kuwa kalena waan necbaa, qaarna ma aanan fahmin” ayuu ku qoray Twitter isagoo ka hadlaayay Nabiga (nnkh). Waxyar ka dib ayuu tiray dhamaan hadalkiisii ka dib markii dad badan ay ka caroodeen hadalka.

Culumada sacuudiga ayaa ku baaqay in ninkaan midida la horgeeyo maadaama uu si qaldan uga hadlay nabiga. Diyaarada wada ninkaan oo ay wehliyaan booliska sacuudiga ayaa ka kacday Malaysia isagoo la filayo in lagu soo oogo dambiga u dhigna dhimasho.

Ururada u dooda xuquuqda dadka sida Amnesty ayaa ku dooday in aan ninkaan lagu celin Sacuudiga oo halkaas uu ku wajihi karo xeerka dhimashada.

Kashgari oo la hadlay wargeys inta uusan ka baxsan Sacuudiga ayaa sheegay in uu doonayay xuquuqdiisa xoriyada hadalka. Arintaas ayaa ka sii careysiisay Sacuudiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here