Laanta Socdaalka oo soo saartay qaabka loo dhaqan galinayo go’aankii maxkamada

43

Maanta waxaan soo daabacay mowduuc aan ugu magac daray “Shaki laga muujinayo go’aankii maxkamada socdaalka” kaasoo ka dambeeyay ka dib hadalo ay hoos iigu sheegeen qaar ka mid ah dadka xiriirka la leh Laanta Socdaalka.

Balse daqiiqado ka dib markii aan daabacay mowduucaas ayaa Laanta Socdaalka waxay soo daabacday dokumenti ku saabsan sida loo dhaqan galinayo go’aankii maxkamada sare iyo in waalidka caruurta leh hada loo fududeynayo arimaha dacwada. Haddii aan soo koobo nuxurka dukumentiga ka soo baxay Laanta Socdaalka iyo sida ay u shaqeyn doonaan ayay sidaan u sharaxeen.

1. Haddii qofka dacwada dalbanaya uu yahay qof weyn (xaas iyo nin) waxaa laga doonayaa in ay cadeeyaan aqoonsigooda. Waa sidii hore arintu. Haddii aysan cadeyn karin aqoonsigooda waa DIIDMO.

2. Haddii dacwadu quseyso caruur/waalid, oo aysan cadeyn karin aqoonsigooda waxaa laga qaadayaa DNA, haddii dhiigu uusan isku mid noqon – Waa DIIDMO. Haddii dhiigu isku midnoqdo, waxaa la sameynayaa baaritaan dheeri ah, haddii ay soo baxaan waxyaabo ka hor imaanaya dacwada reerka baaritaanka ayaa la sii wadayaa. Haddii lagu qanco dacwada reerka ka dib markii DNA laga qaado Waxaa la siinayaa OGOLAANSHO iyo Baasaboor ay ku soo safraan.

Sidaa ayaan ku soo koobi karaa muhiimada dokumentiga ay soo saartay Laanta Socdaalka oo ka kooban 22 bogg. Waxa keliya oo hada aan sugnaa waa in dadka la marsiiyo nidaamka ay kor ku xuseen oo cidii buuxisa shuruuda la siiyo ogolaanshaha. Waxaan Laanta Socdaalka ka dalbaday in ay ii sheegaan in ay jirto cid ogolaansho la siiyay ka dib go’aankii maxkamada. Wali Jawaab kama helin. Balse waxaa laga yaabaa in ay maanta ka bilaabata ay sameyn doonaan baaritaanada cusub.

Halkaan ayaad ka akhrisan kartaa dokumentiga MV: http://lifos.migrationsverket.se/dokument?documentSummaryId=26987

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here