Kulan ka dhacay Linköping

0

Waxaa sabtidii oo aay taariiqdu tahay 11 Februari 2012 booqasho ku yimid magaalada Linköping wafdi ka socday Ururka isbaheysiga ummada soomaaliyeed oo markii la soo gaabsho loo yaqaan (SRFS).

Booqashadaan oo ku timid qorshe ahaa in hogaanka ururka eey lakulmaan walaalaha soomaaliyeed ee dagan goboladda wadanka iyo waliba codsi kayimid xubnaha jaaliyada Somaliska Kvinnor Förening i Linköping oo si gooni ah uga codsaday ururuka isbaheysiga.

Kulanku wuxuu ahaa runtii jawi aad u dagan oo eey kasoo qeybgaleen soomaali badan oo dagan magaalada Linköping ujeedkooduna ahaa in eey ogaadaan waxqabadka ururka isbaheysiga iyo qorshahooda ku aadan su’aalo xaga Migrationsverket. raadinta walaalaha soomaaliyeed ee ku nool Sweden. iyo waliba Mustaqbalka umada Somaliyeed ee ku nool Sweden.

Waxaa hadalka furay Gudoomiye Jaaliyada Somaliska Kvinnor föreningar i Linköping Marwo Aamino, iyadoo halkaa ka soo jeedisay warbixin dheer oo ku saabsan taariiqda Jaaliyada ay hogaanka u hayso.

Intaa kadib waxaa hadalkii qaatay Mr C/laahi Macalin oo ah gudoomiyada ururuka isbaheysiga iyo Ukhaabilsanaha xaga maaliyada ururka Maxamed Saciid iyo sidoo kale Sheekh Abdullaahi Sheekh Saciid oo ka mid ahaa martida lasocday oo walaalahood siiyay macluumaad badan oo eey kamid yihiin wax qabadka dhow iyo kan dheer.

Waxaa kale oo leysla soo qaaday in maanta eey jirto baahi oo loo baahanyahay isku duubni soomaalida dhexdeeda ah si loo helo xoog aan ku soo dhacsano xaqeenaxa naga maqan. Ugu dambeyntii waxaa suaalo wax ku ool ah soo jeediyay dadweynihii kasoo qeybgalay shirka. waxaana uga jawaabay kuna qancay jawaabahoodii Gudoomiyahay Ururka isbaheysiga ummada soomaaliyeed Mr C/laahi Macalin, waana ku qanceen jawaabtii eey ka heleen walaalahood soo booqday. Gabangabadii xaflada ayaa waxaa Buugaag hadyad aha la gudoonsiiyaay Gudoomiyahay jaaliyada Somaliska Kvinnor Förening i Linköping.

Siyaad Cabdi Cali
Wararka Somaliska Linköping

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here