Gudoomiyaha magaalada Katrineholm ee cunsuriga ah [Video]

11

Mayorka magaalada Katrineholm ayaa markale cadeeyay cunsuriyada uu ka aaminsanyahay Soomaalida mar uu wareysi siiyay telefishinka SVT.

Ninka lagu magacaabo Göran Dahlström oo ka tirsan xisbiga Social Demokraterna (S) ahna gudmooyiha degmada Katrineholm ayaa sheegay in aysan magaaladiisu xamili karin in dhowr boqol oo Soomaali ah ay timaado marka laga qaado xayiraada xaga socdaalka ah. Waxa uu dalbaday in dowladu ay bixiso lacagta ku baxaysa dadkaan cusub.

Warqad uu u qoray wasiirka isdhexgalka ayuu ku sheegay in uusan kamuunkiisu diyaar u ahayn in uu lacag ku bixiyo Soomaalida oo uu ku tilmaamay dad shaqo la’aan iyo barasho la’aan ah. Waxa uu intaas ku daray in uusan doonayn in uu lacagta canshuurta ee ay bixiyaan dadka Swedishka ah ee degan magaaladiisa ku quudiyo soo galootiga cusub, isagoo sheegay in taasi ay abuurayso cunsuriyad.

Mar la waydiiyay in isaga hadalkiisa loo fasiran karo cunsuriyad ayuu sheegay in ay dadku sida ay rabaan u fasiran karaan. Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Göran Dahlström muujiyo in uusan doonayn in Soomaali ay timaado magaalada uu godoomiyaha ka yahay.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in Xisbiga Social Demokraterna uu yahay xisbiga ay taageerada ugu badan siiyaan Soomaalidu, iyadoo siyaasada xisbigu ay tahay mid u wanaagsan soo galootiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here