Gabadh u dhalatay qoyska boqortooyada Sweden

23

Habeenkii khamiista ayaa waxaa gabadh u dhalatay qoyska boqortooyada Sweden qaasatan gabadha dhaxal sugaha ah ee Victoria iyo seygeeda Daniel.

Gabadhaan yar ayaa noqoneysa ilmihii ugu horeeyay ee reerka boqortooyada u dhasha mudo 30 sano ku dhow iyadoo ay aad u soo dhaweeyeen dadka Sweden oo aad u jecel reerka boqortooyada. Waxaa loo riday madaafiic markii la keenay guriga boqortooyada.

Victoria ayaa ah qofka ugu horeeya ee sugaya dhaxalka in ay noqoto boqorada Sweden marka aabaheed uu dhinto ama uu iskiis u wareejiyo. Ka dib Victoria ayaa waxaa dhaxalka boqortooyada iska leh gabadha yar ee isbuucaan dhalatay.

Inkastoo Sweden ay tahay wadan dimoqraadi ah ayaa hadana waxay aad u jecelyihiin reerka boqortooyada oo aan wax awood siyaasadeed ku lahayn dalka balse loo isticmaali magac iyo soo jiidasho. Boqorka ayaa u safra caalamka si uu kor ugu qaado magaca dalka Sweden.

Boqorada yar ayaa loo bixiyay magaca Estelle Silvia Ewa Mary.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here