Turkish Airlines oo Muqdisho toos uga dagaysa. Balse yaa raaci kara?

18

Shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa bilowday in ay toos uga degto Ayroboorka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo isbuucii labo maalmood tagi doonta.

Guud ahaan dadka doonaya in ay u safraan Soomaliya ayaa si sahlan u goosan kara tikitka diyaarada Turkish Airlines, iyagoo transit ku ahaan doona Istanbul iyo Khartoum. Balse su’aasha ayaa ah yaa u raaci kara Turkish Airlines Muqdisho? jawaabtu waa dad yar. Sababtuna waa in Soomaalida qaasatan kuwa ku nool Sweden aysan u safri karin wadankii ay ka soo carareen.

Baasaboorka ay haystaan inta badan Soomaalida ee Främlingspass ayaan loo ogolayn in lagu tago wadankii hooyo maadaama taasi meesha ay ka saarayso baahidii markii hore aad uga soo carartay. Dowlada KM ayaa iyaduna aan ogolaanayn in qofku iska yimaado oo uusan ku dhufsan galitaan.

Sidaa darteed ayuusan faaiido weyn u lahayn Soomaalida inta badan safarka ay bilowday Turkish Airlines inkasoo uu yahay talaabo aad loogu farxo.

Cida doonaysa in ay tikitka ka goosato Turkisha Airlines waxay ka heli karaan websitekooda. http://www.turkishairlines.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here