Raysal wasaaraha Sweden iyo wasiirka arimaha dibeda oo ka qeyb galaya shirka London

12

Shirkada looga hadlayo arimaha Somalia ee khamiista 23 Februari ka furmi doona magaalada London ayaa waxaa ka qeyb gali doona madaxda ugu sareysa dowlada Sweden.

Raysal wasaaraha ingiriiska David Cameron ayaa casuumad u fidiyay raysal wasaaraha Sweden iyo wasiirka arimaha dibeda in ay ka soo qeyb galeen shirka heerka sare ah ee looga hadli doono arimaha Soomaaliya.

Raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa ka hadli doona shirka oo ka soo jeedin doona qodbad ku saabsan xaalada Somaliya. Dowlada Sweden ayaa sheegtay in ay aamisanyihiin in sanadka 2012 uu noqon doono mid si weyn wax uga badala xaalada Somalia.

Shirka London ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gali doona madax ka socota inta badan Yurub, Turkey, Qatar iyo Hillary Clinton oo ka socota Maraykanka. Waxaa sidoo kale imaan doona Ban ki-Moon.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here