Nin 2 bilood ku xayirnaa barafka

10

Nin ayaa laga soo saaray babuurkiisii oo uu ku xayirnaa mudo 2 bilood ah agagaarka magaalada Umeå ee waqooyiga Sweden.

Ninkaan ayaa la sheegay in uu 2 bilood ku xayirnaa barafka oo uu ku dhexjiray baabuurka. Sida uu ku badbaaday ninkaan oo 2 bilood aan ka bixin baabuurkiisa isla markaana aan haysan wax cunto ah ayaa lala yaabay balse waxaa la sheegay in uu sabab u yahay barafka.

Baabuurka oo uu daboolay baraf ayaa waxaa soo helay labo nin oo daawasho u tagay barafka iyadoo isla markiiba ay yimaadeen booliska oo loo cararay hospitaal ku yaala magaalada Umeå. Ma uusan hali karin xitaa ninkaan markii loo yimid.

Sababta uu ninkaan ugu xayirmay barafka iyo waxa uu ka qabanayay agagaarka Umeå isaga oo degan koonfurta Sweden ayaan wali ogeyn.-

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here