Nin isagu is afduubay oo la soo xiray

1

Nin Swedish ah ayaa la soo xiray ka dib markii lagu eedeeyay in uu is afduubay ka dib qorshe waalidkiis lacag looga cunayo.

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay 29 kuna nool waqooyiga Sweden ayaa dhowr maalmood hawada ka maqnaa ka dib markii uu waalidkiis soo wacay oo u sheegay in la afduubay oo la dilayo haddii aysan bixin lacag gaareysa 15,000kr. Balse ninkaan ayaa waqtigaas ku noolaa guriga saaxiibkiis oo qorshaha la waday.

Waalidka oo iska calool jilicsan ayaa lacagtii si degdeg ah ku keenay iyadoo uu lacagta ka soo qaaday ninka uu gurigiisa ku dhuumaaleysanayay. Waalidka ayaa markii ay lacagta bixiyeen waxay ogeysiiyeen arinta booliska, oo dabagal ku sameeyay arinta afduubka.

Ka dib wareysi ay la yeesheen asxaabtiisa ayay cadaatay in sheekada dhan ahayd mid waalidkiis lacagta looga cunayo isagoo la soo xiray laguna eedeeyay dambiyo dhowr ah. Ninkaan ayaa la sheegay in uu horay dhowr dambi oo la xiriira qiyaano uu galay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here