Soomaali ku dagaalantay Alingsås

14

Shalay maqribkii ayaa afar nin oo Soomaali waxa uu dagaal ku dhex maray magaalada Alingsås ee ku dhow Göteborg iyadoo mid ka mid ah raggaas hospitaalka la geeyay.

Sida uu qoray wargeyska Göteborgs-Posten afar nin oo da’dooda u dhaxayso 28-47 ayaa ku dagaalamay goob dukaan ah iyagoo biro isla dhacay iyo midi. Dhowr ka mid ah ragga ayaa dhaawac soo gaaray oo khaarkood dhiig ayaa ka socday sida la sheegay.

Afarta nin ayaa 3 xabsiga la dhigay halka midka kale hospitaalka la geeyay. Booliska ayaysan ilaa hada u cadeyn sababta ay u dagaalameen raggaan. Warbixinta uu helay wargeyska ayaa sheegaysa in raggaan ay doonayeen in ay dil iskula kacaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here