Xaflad loo dhigay barnaamijka Somali Idol oo ka dhacday Västerås

10

Magaalada Västerås ee dalka Sweden waxaa ka dhacday xaflad qurux badan oo aad loo soo agaasimay laguna daahfurayey Ururka Horumarinta Dhaqanka, Suugaanta iyo Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana ujeedada ururkaasi loo aas aasay ugu weynaa in lagu dhiiragaliyo kobcinta barnaamijka heesaha hirgalay ”Somali Idol ” oo dhawaan laga anbaqaadi doono Europé dacalladeeda.

Waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha ururka ( fardowsa Sh xasan Kuriya ), Abwaan Mustafe sh. Cilmi, Mudane C/raxmaan Diinaari, C/salaan Axmed Jimcaale, C/qaadir Walaayo, Bashiir Cali Xuseen, Abwaan C/llaahi Bashiir Nuur, C/llaahii Iimaan, guddoomiyaha jaaliyadda katarinholm iyo qaar kale oo ururka ka mid ah.

Waxaa haalkaasi heeso cajiib ah ka qaaday fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Xabiib Sharaabi, Bashiir cali xuseen Feysal C/raxmaan C/casiiss iyo Maxamed yare iyo weliba DJ, Bashiir Maxamed Cusmaan (Bashka ) sidoo kale waxaa halkaasi ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay kooxda Banadir Midnimo ee magaalada Goteberg..

Somali Idol, wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa kor u qaadidda iyo soo nooleynta afka hooyo, waxaana loogu baaqayaa dhamaan rag iyo dumarba gaar ahaan dhallinyarada in ay kasoo wada qeybgalaan tartanka ama baratanka heesaha hirgalay ( Somali Idol ) oo ka billaaban doono dalka sweden magaala madaxdiisa Stockholm.

Barnaamijkan oo wada gaari doona yurub daafaheeda, waxaa lagu soo gebe gebeyn doonaa geeska afrika gaar ahaan dalka jabuuti oo tartanka kama dambeysta ah lagu qaban doono hadduu eebbe yiraa.

Ugu dambeystii qof walba oo daneynaya ama xiiseynaya in uu ka qeybgalo barnaamijkan Somali Idol Europé 2012 waxa uu araajiyadiisa ku soo hagaajin karaa emailkan hoos kaaga muuqda
somali-idol@hotmail.com.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here