Waraysi ku saabsan arimaha mideynta reeraha Soomaalida

38

Isbuucii la soo dhaafay waxaan fursad ka helnay xisbiga Miljöpartiet in ay nooga jawaabaan 10 su’aalood oo ay soo diraan akhristayaasha Somaliska. ku dhawaad 70 qof ayaa soo diray su’aalo balse sidii balantu ahayd 10 su’aalood ayaan u dirnay.

Su’aalaha ayaa waxaa nooga soo jawaabay David Nilsson oo ah xoghayaha arimaha Socdaalka ee xisbiga Miljöpartiet maadaama ay mashquushay Maria Ferm. Hadaba sidaan ayay noqdeen jawaabaha.

1. Shiine, Borås: Waxaan u dacwooday xaaskayga wax caruur ahna iskuma aanan dhalin, maxaan ka fili karaa sharciga cusub?

Xisbiga Miljöpartiet waxa uu ku dadaalaya in ay Sweden noqoto wadan furfuran oo dadka aan wax isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday ay fursad helaan. Arintaan dowlada ayaan kala hadlaynaa balse ma balan qaadi karno in ay arintu sida aan dooneyno noqoto.

2. Khadar, Katrineholm: Waxaan dalbaday in layla mideeyo xaaskeyga iyo caruurta balse waxaa la i siiyay 4 diidmo. Ma waxaan ku qasbanahay in aan kiis cusub soo bilaabo ka dib July 2012?

Waxaan xooga saaraynaa in aan nidaamka ka dhigno mid fudud oo dadkana u fudud laanta Socdaalkana u fudud. Balse qiyaastayda ugu badan waxay tahay in kiis cusub loo baahan doono.

3.  Ahmed, Ludvika: Wali ma aanan bilaabin dacwada. Ma waxaan sugaa ilaa July mise hada ayaan bilaabaa?

Haa, waxaa wanaagsan in la sugo ilaa July markaas oo sharciga cusub uu dhaqan galay.

4. Dhool, Kalmar: Hubaal ma tahay in reeraha la mideyn doono? 

Waxaa loo qorsheeyay lacagtii ku bixi lahayd, marka waa mid la hubo in reeraha la mideynayo. Si kastaba ha ahaatee, ma cada sida sharciyadu isku badali doonaan balse muhiimadu waa in July 2012 hawshu bilaabato.

5.  Amal, Köping: Goorma ayaa la soo bandhigayaa mooshinka? Goorma ayaa baarlamaanka la horgeynayaa oo go’aan laga gaarayaa?

Way adagtahay in la shaaciyo waqtiyada saxda ah ee la qaadayo talaabo kasta balse dowlada waxaan heshiis kula galnay in mooshin baarlamaanka la horkeeno xiliga guga isla markaana uu dhaqan galay July 2012. Waqtiga waxaa saameyn kara inta ay qaadato wadahadalka u dhexeeya dowlada iyo anaga.

6.  Abdirahman, Nässjö: Waxaa jira wiilyar oo aan soo korsaday, ma jirtaa fursad laygula mideyn karo isaga iyo caruurta aan dhalay?

Waxaan aad ugu doodaynaa in caruurta la soo korsaday lagu daro mideynta. Balse waa in aan cadeeyaa in ay tahay arin adag walina heshiis lama aanan gaarin dowlada sidii arintaan loo sameyn lahaa.

7. Qunbe, Linköping:  Diidmo badan ayaa la i siiyay, Laanta Socdaalku waxay dhahday hanagu soo laaban. Maxaan sameyn karaa?

lama socdo kiiskaaga qaaska ah balse waxay noqon kartaa in aad kiis cusub soo xareyso marka waqtiga la gaaro.

8. Daahir, Vänersborg: Waxaa ii jooga wiilyar oo hooyadiis geeriyootay. Laanta Socdaalku waxay leeyihiin soo bandhig cadeyn. Muxuu ka badalayaa sharciga cusub arintaas maadaama aanan cadayn ka keeni karin Soomaaliya?

Taasi waa dhibaato aan ka war hayno waana mid waajib ay tahay in xal loo helo.

9. Iki, Ludvika: Markaan Sweden imid 18 waan ka yaraa balse hada waxaan buuxiyay da’da. Ma jirtaa fursad laygula mideyn karo waalidkey?

Haddii qofku qaangaar noqdo kuma jirto arimaha mideynta reeraha. Waxaan xisbi ahaan xooga saaraynaa in dadka waalidkood ay keligood ku noolyihiin dibada ama ay xanuunsanyihiin in lala mideeyo qaraabadooda halkaan ku nool.

10.Abdi, Stockholm: Laanta Socdaalku waxay iga dalbatay in aan cadeeyo in aan masuul ka ahay caruurtayda. Waxaan diyaar u ahay DNA. Maxaan sameyn karaa?

Kiiskaaga qaaska ah lama socdo balse markii sharciga la badalo waxaa ku filnaan doona DNA in lagu cadeeyo waalidiinta iyo caruurtooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here