Tirada magangalyo doonka oo kala bar hoos u dhacday

0

Sweden ayaa degenaansho siisay dad gaaraya  93000 oo qof sanadkii la soo dhaafay balse tirada magangalyo doonka ayaa la sheegay in ay kala bar hoos u dhacday sanadihii la soo dhaafay.

Waxaa aad sare ugu kacay dadka Sweden ku yimaada shaqada ee ka yimaada wadamada nabadu ka jirto iyadoo qaxootigu aad hoos ugu dhacay. Sanadkii 2011 ayaa waxaa qaxootinimo sharciga lagu siiyay 13,000 oo keliya taasoo ka dhigaysa tiradaas midii ugu yareyd ilaa sanadkii 2007.

Dadka ugu badan ayaa ka yimid dalka Afghanistaan iyadoo dhinaca kale magangalyo doonka Soomaalidu uu ilaa kala bar hoos ugu dhacay. Arintaas ayaa ka dambeysa ka dib markii Sweden ay joojisay mideynta reeraha Soomaalida sanadkii 2010. Si kastaba ha ahaatee, dadka ku yimaada mideynta reeraha ee ka yimid wadamada kale ayaa ahaa kuwa ugu badan ee Sweden deganaanshaha ka helay sanadkii hore.

Dhinaca kale waxaa aad u kordhay dadka ku yimaada shaqada sida shaqaalaha nadaafada, kombutarada ee ka yimaada wadamada aasiya sida India.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here