Sweden oo markale Soomaali ka soo qaadeysa xeryaha qaxootiga

8

Dowlada Sweden ayaa sidii caadada u ahayd waxay qaxooti ka soo qaadaysaa xeryaha qaxootiga ee caalamka iyadoo sanadkaan si la mid ah sanadkii hore muhiimada la siinayo qaxootiga Soomaalida iyo Eritrea.

Baarlamaanka Sweden ayaa qorsheeyay in Sweden ay soo qaadato ilaa 1900 qof kuwaasoo la sheegay in sanadkaan inta badan ay noqon doonaan Soomaalida ku jirta xeryaha qaxootiga ee ku yaala Kenya iyo Jibuuti.

Agaasimaha Laanta Socdaalka Christina Werner ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay arintaan maadaama dadkaan ay yihiin kuwa dhabta ah ee u baahan caawimaada oo mudo badan ku jiray xeryaha qaxootiga.

Qaxootiga cusub ayaa waxaa si wada jir ah u soo xuli doonaa hayda UNHCR iyo Laanta Socdaalka (Migrationsverket).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here