Sharciyada cusub ee dhaqan galay bishaan

6

Sidii caadada ahaan jirtay ayaa dowlada Sweden waxay dhaqan galisay dhowr sharci oo cusub ka bilaabata 1-da bisha Janaayo.  Sharciyada cusub ee hirgalay ayaa taabanaya dhowr arimood sida canshuuraha maqaayada, lacagta kabida guryaha, laysanka, lacagta waalidiinta iyo kuwa kale.

Sharciga ugu isbedelka balaaran ayaa saameynaya canshuurta loo yaqaan Moms ee ay bixiyaan maqaayadaha taasoo horey u ahaan jirtay 25% lacagta qofka laga qaado.  Canshuurtaas ayaa hoos loo dhigay oo hada ah 12% oo keliya. Dowlada ayaa sheegtay in looga golleeyahay arintaan in shaqooyin lagu abuuro.

Waxaa sidoo kale kor loo qaaday canshuurta laga qaado shirkadaha toobaakada. Arintaas ayaa kor u qaadi doonta lacagta lagu iibsado sigaarka.

Waxaa sidoo kale qaali noqon doona booqashada dhaqaatiirta oo horey dadka waayeelka iyo kuwa jirin laga qaadi jiray ugu badnaan 600kr sanadkii ilaa 1100kr. Lacagtaas ayaa hada laga dhigi doonaa ilaa 2200kr.

Dhinaca kale waxaa la siyaadinayaa lacagta loo yaqaan Bostadsbidrag ee guri kabista. Waxaa kale oo la sheegay in ay fududaan doonto in qofku uu guri ku qaato gacan labaad.

Dhinaca kale waxaa la badalayaa sharciga lagu qaato lacagta la siiyo waalidiinta ee loo yaqaan föräldrapenning  taasoo hada la ogolaanayo in labada waalid ay fasax wada qaataan mudo 30 maalmood ah inta uusan ilmuhu gaarin 1 sano.

Ugu dambeyntii waxaa la sameyn doonaa dadka baabuurta wada iyaga oo cabsan in aan laga qaadin laysanka haddii ay baabuurka ku xiraan aalada la socota in qofku uu cabsanyahay iyo in kale ee loo yaqaan (alkolås).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here