Qaybaha cusub ee Bulshada Somaliska.com

6

Maalmihii u dambeeyay waxaan hawl qarsoodi ah ka haayay bogga Somaliska taasoo miraheedii hada ay bislaadeen. ilaa maalintii aan abuuray Somaliska ilaa hada waxaan ku tala jiray in aan ka dhigo bogg bulsho oo aan ku koobneyn wararka oo keliya.

Fikrada ayaa ah in Somaliska uu noqdo meel aan wararka keliya laga akhrisan ee uu noqdo goob laysku waydaarsado macluumaadka, aqoonta, suugaanta, sawirada, muuqaala iwm. Midaas si loogu guuleysto waxaa loo baahanyahay in boggu uu yeesho adeegyo bulsho oo arimahaas suurto galin kara.

Hadaba waxaan ku guuleystay in aan ku daro adeegyada nuucaas ah. Waxyaabaha cusub ee aan Somaliska ku soo biiriyay waxaa ka mid ah.

1. In aad xubin ka noqon karto oo aad page kuu gooni ah yeelan karto, tusaale fiiri kayga.

2. In boggu uu yeesho meel ay akhristayaashu ku wada xiriiri karaan oo ay ku darsan karaan bogga waxyaabaha ay jecelyihiin in ay bulshada la wadaagaan. Qeybtaas waxaan ugu magacdaray News Feed sida Facebook oo kale. Halkaan riix so aad u aragto.

3. Si loo suurto galiyo wada xiriirka Soomaalida ku kala dhaqan magaalooyinka kala duwan ayuu boggu yeelanayaa bogg kooxeedyo qofkasta uu abuuri karo qol u gaar ah magaaladiisa. Aniga ayaa hada abuuray dhowr magaalo. Halkaan ka eeg.

4. Intaas waxaa sii dheer in uu boggu yeelanayo waxyaabaha caadiga ah ee aad uga barateen Facebook iyo websiteyada la midka ah sida in xubnuhu si qaas ah u wada xiriiri karaan, chat iwm.

Sida guud Somaliska sidii aad hore uga barateen ayuu ahaanayaa oo waxaan sii wadi doonaa ururinta wararka xiisaha leh ee ay daneynayaan Soomaalida ku dhaqan Sweden oo ay raacaan macluumaad iyo maqaalo la xiriira arimaha Bulshada.

Si aad uga faaideysato qeybaha bulshada ee cusub. Waxaad u baahantahay in aad xubin ka noqoto Somaliska. Hadaba isdiiwaan hada. RIIX HALKAAN.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here