Maxkamada socdaalka oo soo saartay go’aan muhiim ah

20

Maxkamada sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa soo saartay go’aan muhiim ah oo la xiriira awooda dheecaanka DNA-ga marka laga hadlayo dalabka degenaanshaha ee waalidka iyo caruurta.

Maxkamada ayaa go’aan ka gaartay hooyo iyo caruurteeda ku nool dibada oo uu u dacwooday ninkeeda oo halkaan jooga. Maxkamada ayaa sheegtay in macluumaadka ay dadkaan soo bandhigeen iyo dheecaanka DNA in uu ku filanyahay in sharciga lagu siiyo ilmaha iyo hooyada  iyada oo muhiimada la siinayo mideynta reeraha iyo danta caruurta.

Maxkamada ayaa ku celisay muhiimada ay  leedahay in qofku uu cadeeyo aqoonsigiisa si looga hortago ka ganacsiga dadka iyo qulqulka soo galootiga balse waxay sheegtay in loo baahanyahay in qiimeyn la sameeyo oo arintaas darteed aan loo hor istaagin xuquuqda mideynta reeraha iyo danta caruurta.

Go’aankaan ay gaartay maxkamada sare ayaa ah mid aad muhiim ugu ah waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda loo diiday. Laanta Socdaalka iyo maxkamada hoose ee Socdaalka ayaa ku dhaqmi doona go’aanka maxkamada sare oo cadeynaya in dheecaanka DNA uu ku filanyahay mideynta reeraha.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha labaad oo aan wali la xalin ayaa ah sidii ay ku soo bixi lahaayeen dadkaan sharciga loo ogolaaday maadaama Sweden ay joojisay baasaboorkii looga soo bixi jiray Africa. Arintaas ayaa xalkeeda ugu dhow waxaa la filayaa bisha July 2012.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here