Jaaliyada Fagersta oo hogaan cusub dooratay

5

Jaaliyada Soomaalida ee magaalada Fagersta ayaa maanta hogaan cusub dooratay kadib markii la qabtay doorasho si heer sare ah loo soo agaasimay.

Hogaankii hore ee jaaliyada ayaa si sharaf leh xilka u wareejiyay ka dib markii ay hawsha soo wadeen mudo 1 sano ah iyadoo kulan ay isugu yimaadeen Soomaalida inteeda badan looga hadlay muhiimada ay leedahay midnimada bulshada yar ee ku nool Fagersta iyo in ay sii wadaan wadajirka ay ku mideysan yihiin jaaliyada.

Soomaalida Fagersta ayaa waxay ka mid yihiin kuwa fara kutiriska ah ee ku mideysan 1 jaaliyad oo aysan ka garab dhisneyn kuwa kale. Soomaalida magaalada iyo maamulka kamuunka ayaa isla gartay muhiimada ay leedahay in Soomaalidu ay mideysnaadeen oo ay ceebtooda asturtaan.

Hogaanka cusub ayaa loo doortay labo gabdhood in ay hogaamiyaan sanadkaan jaaliyada Somaliska Förening i Fagersta. Hogaankii hore ayaa lagu amaanay in ay ka shaqeeyeen midnimada bulshada iyo xiriir wanaagsan oo ay la sameeyeen maamulka degmada.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here