Finland iyo Somaliland oo heshiis ka gaaray soo celinta dadka

10

Mid ka mid ah maamulka Hayda Socdaalka Finland oo lagu magacaabo Matti Heinonen ayaa dhawaan booqasho ku tagay Somaliland halkaasoo uu heshiis kula galay dowlada in ay soo dhaweyso dadka Finland ay dib u soo celiso.

“Waxaan wada hadal la galnay dowlada Somaliland oo aan heshiis ku kala saxiixay ku saabsan Soo noqoshada xorta ah” ayuu Matti u sheegay wakaalada wararka Finland.

Ninkaan ayaa warbixinta uu ka keenay Somaliland ku sheegay in ay tahay goob xasi looni ka jirto oo dhibaatada keliya ay tahay sabool nimo, isagoo intaas ku daray in koonfurta Soomaaliya ay ka jirto colaad oo aysan ku talineyn in dadku ay ku laabtaan halkaasi.

Hayda Socdaalka ayaa qofka iskiis u noqonaya waxay ka bixisaa tikitka iyo in la siiyo lacag gacan qabsi ah oo gaareysa ilaa 1500 euro. Matti Heinonen ayaa sheegay in ay doonayaan in ay lacagtaas u laba jibaaraan dadka ku noqonaya Somaliland.

Soomaalida Finland ku dhaqan oo tiradooda lagu sheegay 16,000 ayaa Hayda Socdaalku sheegtay in kala bar ay ka soo jeedaan Somaliland.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here