Dadka deganaanshaha la siiyay oo ku xayiran kaamamka Laanta Socdaalka

7

Dadka la siiyay sharciga Sweden ayaa dhibaato weyn ka haysataa sidii ay guri ku heli lahaayeen taasoo dhalisay in ay ka baaqdaan fursado badan oo ay ama shaqo ku heli lahaayeen ama wax ku baran lahaayeen.

Laanta Socdaalka ayaa sheegay in 2,600 qof ay hada ku jiraan kaamamka ku meel gaarka ah ee dadku sharciga ku sugaan balse dadkaan ay yihiin kuwo sharciga la siiyay oo aan haysan meel ay guri ka helaan.

Arintaan ayaa lagu eedeeyay isbedelkii lagu sameeyay nidaamka isdhexgalka ee Sweden kaasoo dhaqan galay sanadkii 2010. Nidaamka cusub ayaa masuuliyadii soo galootiga dul saaray Laanta Shaqaaleynta (Arbetsförmedlingen) kuwaasoo la sheegay in ay xamili kari waayeen tirada dadka.

Dhinaca kale, goobaha shaqadu ka jirto sida magaalooyinka waaweyn ayaa waxaa ka jira dhibaato xaga guriga ah iyadoo Arbetsförmedlingen ay isku dayayaan in ay dadka u diraan goobahaas aan guriga lahayn taasoo keentay in aysan dadku ka bixin kaamkii ay sharciga ku qaateen.

Wadada ugu macquulsan ee dadka cusub ay sameyn karaan ayaa ah in ay guryaha ka raadsadaan magaalooyinka yaryar ka dibna halkaasi ay ku soo diyaariyaan aasaaska luuqada, laysanka ku qaataan ka dibna ay u guuraan magaalooyinka waaweyn markii ay wadanka la qabsadaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here