Safaarada Sweden ee Nairobi oo shaqadii joojisay

16

Saafara Sweden ay ku leedahay magaalada Nairobi ayaa joojisay qeybo badan oo ka mid ah shaqadeeda taasoo ay ku jirto dalabkii dacwada.

Warbixin lagu daabacay bogga safaarada ayaa lagu sheegay in safaarada laga rarayo dhismaheeda arimo amaanka darteed oo aysan safaaradu qaban doonin adeegyadii looga bartay. Arimaha la xiriira dadka dhalashada Sweden haysta ayaa lagu wareejiyay safaarada Denmark iyo arimaha visada oo ay qaban doonto safaarada Holland.

Si kastaba ha ahaatee, safaarada ayaa sheegtay in aysan hawshii dacwada hada qaban doonin oo cidii dooneysa in ay dacwo xareysato ay la xiriirto safaaradaha Sweden ay ku leedahay wadamada dariska la ah Kenya.

Safaarada ayaa sheegtay in aysan macquul ahayn in lagu soo booqdo dhismaha cusub ee ay u guureen. Waxay sheegeen in ay filaan in safaaradu shaqadeedii si guud dib ugu bilowdo waqti aan la cayimin balse lagu sheegay 3 bilood ee ugu horeysa sanadka 2012.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here