Ninkii tareenka looga dajiyay salaada dartiis oo la xukmiyay in aan la cunsuriyayn

10

Nin Muslim ah oo hada ka hor aan wax ka qornay kaasoo tareenka SJ qasab looga dajiyay ka dib markii isaga oo salaada tukanaya laga dalbaday in uu soo bandhigo tikitkiisa ayaa la xukmiyay in aan wax cusnuriyad ah loo geysan.

Xeer ilaaliyaha sinaanshaha (Diskrimineringsombudsmannen, DO) ayaa go’aamiyay in aan la cadeyn karin in ninkaan cunsuriyad lagu sameeyay isla markaana kiiskiisa la xiray.

Sheekada ninkaan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu soo raacay tareen xilli habeen ah kaasoo markii dambe goob tareenka ka mid ah salaad ku xirtay. Intii uu salaaada ku jiray ayaa waxaa u yimid gabadhii tikidhada jeekimeysay iyadoo waydiisay in uu tikitkiisa soo bandhigo. Ninkaan ayaan jawaab ka bixin hadalka ka gabadha maadaama uu salaad ku jiray. Sida uu hadalka u dhigay saddex jeer ayay dhabarka ka riixday isagoo ku sigtay in uu dhaco.

Markii uu salaada ka baxay ayuu sheegay in uu raadiyay gabadhii si uu tikitkiisa u tuso balse markii uu tikitka tusay ayay diiday in ay ka aqbasho iyadoo ku amartay in uu tareenka isaga deggo. Arintaas ayuu ka dhaga adeygay isagoo markii dambe boolis ay qasab tareenka uga dajiyeen.

Ka dib dhacdada ayuu ninkaan wacay xafiiska SJ oo markiiba raali galin ka bixiyay dhacdada isla markaana go’aamiyay in ay u soo diraan 1000kr balse arintaas ayuu diiday oo wuxuu dacwo u gudbiyay Xeer ilaaliyaha sinaanshaha (DO). SJ ayaa sidoo kale ugu hanjabay ninkaan in ay ka mamnuucayaan tareenka muddo 1 sano.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here