Hogaamiyaha xisbiga Social Demokraterna oo is casilay

7

Gudoomiyihii mudada dhow la magacaabay ee xisbiga Social Demokraterna Håkan Juholt  ayaa ku dhawaaqay maanta in uu xilkaas iska casilay.

Juholt ayaa saxaafada isugu wacay magaalada uu ku soo koray ee Oskarshamn isagoo saxaafada u sheegay in uu iska casilay xilkii gudoomiyaha xisbiga. “Waan iska casilay xilkii gudoomiyenimada hada ka bilaabta” ayuu yiri Juholt.

“Waxaan ku dhashay Social Demokrat waxaana ku dhimanayaa sidaas. Xisbigaan nolosheydii isaga ayaan u soo shaqeeyay” ayuu hadalkiisa ku daray.

Juholt ayaa rabshado kala kulmay mudadii gaabneyd ee uu hogaaminayay xisbgia Social Demokraterna oo isaga ka hor ahaa xisbiga ugu weyn Sweden hadana taageeradiisa ay aad hoos ugu dhacday. Juholt ayaa xitaa lagu eedeeyay in uu qaatay lacag badan oo guri kabis ah balse markii dambe dambigaas waa lagu waayay.

Waxa uu sheegay in xisbigu aad ugu baahnaa waji cusub markii looga adkaaday doorashadii sanadkii 2010 balse wajigii cusbaa sidii la rabay ma uusan noqon, waxa uu qirtay in uu sameeyay qaladaad dhowr ah.

Warbaahinta ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah xubnaha xisbiga ay dalbadeen in booska laga cayriyo ninkaan oo taageeradii xisbiga dhulka la galay.

Haweeneyda xisbiga xoghayaha ka ah ee lagu magacaabo  Carin Jämtin ayaa la filayaa in ay la wareegto booska gudoomiyaha si ku meel gaar ah ilaa inta laga qabanayo shirweynaha xisbiga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here