Ragg Soomaali ah oo loo soo xiray dilkii Ludvika

7

Wiil Soomaali ah oo da’diisa lagu sheegay 18 sano iyo wiil 22 sano jir ah oo ka soo jeeda Kongo ayaa loo soo qabtay dilkii loogu geystay nin 44 jir ah wadooyinka magaalada Ludvika 17 bishaan. Wiilka Soomaaliga ah oo aan wali dambiga lagu cadeyn ayaa la amray in xabsiga lagu sii hayo.

Raggaan oo ku nool magaalada Ludvika ayaa la sheegay in ninka oo ka yimid xaflad Kirismas ay si naxariis daro ah u garaaceen ka dibna uu ku geeriyooday hospitalka. Lama yaqaan sababta ka dambeysay dilka loo gaystay ninkaan oo caruur lahaa, booliska ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in ninka la dilay iyo raggaan wax dilay uusan xiriir ka dhaxayn.

Waxaa sidoo kale la soo xiray nin sadexaad oo isagana la sheegay in uu Soomaali yahay oo la sheegay in uu ku lug lahaa dilka. Qaar ka mid ah raggaan ayaa la sheegay in ay dambiyo hore uga diiwaan gashanaayeen Booliska.

Magaalada Ludvika ayaa qalalaase badan ka dhacay isbuucii la soo dhaafay iyadoo ninkaan lagu dilay wado cad halka ninka kale oo 28 sano jir ahna lagu dilay magaalada sabtidii.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here