Qilaafka meherka oo gaaray maxkamadaha Sweden

22

Dumarkii Muslimiinta oo bilaabay in ay raga la koraan maxkamadaha Sweden si ay uga helaan meherkooda. Arintaan ayaa ku dhacday nin Irani ah oo maxkamad Sweden ku taala ay ku xukuntahay in uu bixiyo lacagta meherka xaaskiisa.

Ninkaan oo la hadlaayay idaacada Sverige ayaa yiri ” Maxkamada waxay igu xukuntay in aan bixiyo labo malyan oo kron. Waxaan isla dageneyn labo bilood oo kaliya. Hay’ada kronofogden ee dabagasha deeymaha waxay baartay in aan haysto dhaqaalo lakiin wax hantiya ma haysto”

Hadaba islaamku muxuu ka leeyahay in dumarku ay maxkamadaha ajaanibta ay la koraan ragooda. Arintaas waxay idaacada Sverige wax ka waydiisay Sh.Abdulqadir Mohammed oo imaam ka ah masjid ku yaala Stockholm, Rinkeby. Sheikha oo ka jawaabayay in ay dhibaato leedahay arintaan ayaa yiri

“may wax dhib ah uuga ma jeedo. Waxay xaq u leedahay weeyaan gabadhu hadii ay ku weydo wanaag in ay meeshay kaloo ka heli karto u dooonato. Wax diin ah oo u diideysaana majirto”

Inkastoo aysan dhicin ilaa hada in haweenka Soomaalidu ay maxkamadaha la koraan ragooda si ay meherkooda uga helaan ayay hadana jirtaa cabashooyin badan oo ka imaanaya xaga dumarka kuna socda ragga oo aan bixin meherkii ay balan qaadeen.

Hadaba ma haboontahay in gabdhuhu ay maxkamadaha wadanka dacwadooda la aadaan? Ma jiraan wadooyinka kale oo u furan in dumarku ay ku helaan xaqooda? Waa dood furan….

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here