Qaadashada cayrta ma lagu tilmaami karaa dawarsi?

28

Cilmi baaris ay sameeyeen quburo ka tirsan jaamacada Göteborg ayaa lagu soo bandhigay in dadka cayrta qaata ay ugu badanyihiin soo galootiga. Warbixinta ayaa lagu sheegay in faqiirnimada soo galootigu ay tahay mid aad u sareysa.

Cilmi baarista oo socotay mudo ayaa lagu soo bandhigay in 67% dadka mudada dheer qaata cayrta ay yihiin kuwo soo galooti ah. Arintaan oo la wada ogaa ayaa hadana ah mid ceeb ku ah bulshada soo galootiga qaasatan Soomaalida oo la dhihi karo waxay ka midyihiin dadka ugu badan ee ku xiran cayrta.

Si arintaan wax looga qabto ayaa wasiirka qaabilsan daryeelka caruurta iyo dadka waaweyn Maria Larsson ay sheegtay in dowladu ay arintaan wax ka qaban doonto.

“Waa fashil weyn oo ku yimid bulshadeena in waqti dheer ay ku qaadato dad badan in ay helaan shaqo iyo dhaqaale. Waa mid ku adag soo galootigeena in ay qaadato waqtigaas dheer. Waxaa sidoo kale adag marka dadka soo galootiga ah aysan lahayn aasaas waxbarasho” ayay tiri wasiiradu.

Wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Laakiin sida aan u soo dhaweyno dadka cusub iyo sida aan ula dhaqano, dabeecadeena iyo naceybkeena marka qof magac shisheeye leh aan aragno ayaa qeyb ka qaadanaysa. Sida aan ugu caawino in ay luuqada bartaan iyo waxbarashada ayaa muhiim ah”.

Dowlada ayaa sheegtay in ay dib u eegi doonaan taageerada lacagta ee la siiyo soo galootiga, oo laga yaabo in loo ogolaado in ay lacagta taageerada qaataan xitaa marka uu qofku shaqo bilaabo.

Iyadoo dad badan ay ku xiranyihiin lacagta cayrta ayaa hadana waxaa la wada ogyahay in aysan waxba ka duwaneyn dawarsiga. Lacagta cayrta ayaan ahayn mid laysku siiyo farxad balse waa mid qofka la siiyo iyada oo la dhibsanayo.  Hadaba ma saxbaa in lagu tilmaamo cayrta in ay la midtahay dawarsi? Waa dood furan..,

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here