Nin Khat waday oo xoog ku jiiray booliska ka dibna shil galay

14

Nin doonayay in uu soo galiyo 200kg oo Khaat ah wadanka Sweden ayaa shil ku galay buundada Öresund ee isku xirta Sweden iyo Denmark ka dib markii ay boolisku isku dayeen in ay baaritaan ku sameeyaan baabuurkiisa.

Ciidanka xuduuda ayaa markii ay joojiyeen baabuurka ninkaan waxay isku dayeen in ay baaritaan ku sameeyaan isaga oo si kadis ah baabuurka sheelaraha cagta ku qabtay taasoo keentay in boolisku ay cayriyaan. Mudo markii la eryaayay ayuu xayndaab ku dhuftay baabuurka isagoo markii dambe hospitaalka la dhigay.

Ninkaan ayaa la sheegay in xiliga uu baabuurka waday in uu sidoo keliya cunayay khaatka. Waxaa la filayaa in lagu soo oogo dambiyo kala ah, si xad dhaaf ah baabuur u wadid, isaga oo daroogeysan in uu baabuur waday iyo in uu daroogo wadanka soo galiyay.

Ilaa hada lama sheegin magaca iyo dhalashada ninkaan oo 20-sano lagu sheegay balse waxaan qiyaaseynaa in uu Soomaali yahay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here