Nin cuuryaan ah oo Försäkringskassan ka qiyaamay 14 milyan

10

Nin sheegtay in uu cuuryaan yahay ayaa lagu eedeeyay in uu Hayada Caymiska bulshada (Försäkringskassan) uu ka qiyaamay lacag gaareysa 14 milyan oo karoon. Ninkaan oo baaritaan dheer ay ku samaysay Hayada ayaa ugu dambeyntii la fashiliyay qiyaanadiisa isaga oo lagu xukumay 4 sano oo xarig ah.

Sidoo kale waxaa 1 sano lagu xukumay 3 ka mid ah reerkiisa oo horey ugu diiwaan gashanaa in ay yihiin gacanyarayaashiisa. Waxaa kale oo ninkaan laga dalbaday in uu dib u bixiyo lacag gaareysa 13.5 milyan oo ka mid ah lacagtii uu qiyaanada ku qaatay.

Ka dib markii uu shil galay sanadkii 2001 ayuu ninkaan sheegtay in uu soo gaaray dhaawac weyn oo uu baahanyahay gacanyare isagoo soo bandhigay cadeyn dhaqtar qoray. Mudo 6 sano ah ayaa isaga iyo 3 walaalihiis ah waxay lacag badan ka qaadanayeen Försäkringskassan.

Ninkaan ayaa xitaa sheegtay in uusan awoodin in uu dharka gashado, balse baaritaan ay sameeyeen booliska ayaa lagu soo bandhigay filim laga duubay isaga oo gurigiisa cowska ka jaraya. Waxa uu sidoo kale fasaxa u tagi jiray Maraykanka iyo wadamo kale.

Försäkringskassan ayaa sanadihii dambe siyaadisay baaritaanka ay ku sameeyaan dadka qaata lacagaha taageerada ah iyadoo isticmaaleysa sirdoon iyo internetka. Hayada ayaa sanadkasta waxay bixisaa lacag taageero ah oo gaaraysa 23 bilyan oo karoon, iyadoo la sheegay in qiyaastii 1 bilyan qiyaano lagu qaato.

Dhaqtarka warqada qoray ayaa dhinaca kale lagu waayay wax dambi ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here