Maria Ferm “yaan laa keenin qof qaldan wadanka”

26

Maria Ferm oo xisbiga Miljöpartiet u qaabilsan arimaha Socdaalka ayaa booqasho ku tagtay magaalada Uddevalla ee galbeedka Sweden. Maria oo halkaasi uu ku casuumay Gudoomiyaha jaaliyada Somaliska Förening i Bohuslän Abshir Macoow ayaa waxay ka warbixisay xaalada halka ay mareyso iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Waxay ka dhawaajisay in aan laga maarmi doonin in la qaado dheecaanka DNA si loo mideeyo waalidiinta iyo caruurtooda. Waxay sheegtay in familada aan caruurta isku dhalin iyo caruurta la soo korsaday in aan wali arintooda dhinac loo dhigin iyadoo balan qaaday in ay sii wadayaan ururinta fikradaha Soomaalida.

Maria ayaa ka dhawaajisay in ay muhiimtahay in la sugo amaanka wadanka oo aan la keenin dad qaldan sida ay hadalka u dhigtay. Waxay ula jeeday in aan la keenin qof aan familka ka tirsaneyn arintaas oo Soomaalidu caan ku ahaayeen, lana dhihi karo waa sababta ka dambeysa shuruuda adag ee la hordhigay Soomaalida.

Maria Ferm ayaa isbuucyadii u dambeeyay kulamo badan la qaadatay Soomaalidu ku kala nool daafaha Sweden sida Gävle, Göteborg, Eskilstuna iyo Uddevalla.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here