Gabadhii ugu horeysay oo xijaaban oo booliska ka midnoqonaysa

14

Gabadhii ugu horeysay ee Muslimad xijaaban ah ayaa ka mid noqoneysa ciidanka booliska Sweden. Gabadha lagu magacaabo Donna Eljammal oo 26 sano jir ah kana soo jeeda Falastin ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay oo xijaaban oo loo qaato machadka tababarka booliska Sweden.

“Waxay tusaale u tahay bulshada dhaqamada kala duwan ee aan ku nool nahay” ayay warbaahinta u sheegtay Donna mar ay ka hadlaysay ku biiritaankeeda booliska.

5 sano ka hor ayay ahayd markii mamnuuca laga qaaday in haweenka xijaabka xiran aysan ka mid noqon karin booliska balse ilaa hada ma jirin gabadh Muslimad xijaaban oo ku biirtay ciidankaasi.

Gabadhaan Muslimada ah ayaa inta aan loo ogolaan machadka tababarka booliska waxay u shaqeyn jirtay Waaxda Daryeelka Maxaabiista (Kriminalvården) halkaasoo ay sheegtay in aysan wax dhibaato ah kala kulmin oo la xiriirta xijaabkeeda.

Warbaahinta Sweden ayaa isbuucaan aad uga hadashay arinta gabadhaan iyadoo wareysiyo badan siisay wargeysyada iyo telefishinada. Booliska ayaa sheegay in ay gabadhaan faaiido u tahay maadaama ay fahmi karto arimo dhaqanka la xiriira oo iyaga ku adag.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here