Ethiopia: Wariyaashii oo 11 sano lagu xukumay

3

Maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa ayaa labada wariye ee kala ah Schibbye iyo Persson waxay ku xukuntay min 11 sano oo xabsi ah ka dib markii isbuucii la soo dhaafay lagu soo oogay dambi sheegaya in ay argagixiso gacan siinayeen.

Wariyaasha ayaa markii la xukumay aan wax dareen ah muujin iyadoo xaakimka maxkamada uu sheegay in amaanka iyo nabada lagu sugayo xabsigooda. Qareenka wariyaasha ayaa sheegay in aysan wali go’aansan in ay racfaan ka qaataan go’aankaan iyo in kale.

Labada wariye ayaa la soo qabtay iyaga oo wehlinaya jabhada ONLF ka dib markii dagaal dhexmaray iyaga iyo ciidamada Ethiopia.

Dowlada Sweden ayaa lagu cambaareeyay in ay dafiicnimo muujisay markii uu soo gaaray xariga wariyaasha oo ay ahayd mar hore in ay si xoogan ula hadlaan dowlada uu hogaamiyo Meles Zenawi oo ku nool deeqda ay siiyaan midowga Yurub.

Isbuucaan ayuu markii ugu horeeysay ka hadlay raysal wasaaraha Sweden Fredrik Reinfelt arinta wariyaasha isaga oo dalbaday in xoriyadooda loo soo celiyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here